Beni´aadanka
ayaa inta badan arka Xoolaha nool iyaga oo Lugahooda ku socda balse ma oga
dhibka ay Xoolo dhaqatada ka soo maraan Xanaanada Xoolahooda iyo u hagar bixida
waqti kasta.
Xoolaha
kuwa ugu wanaagsan ee la xanaaneeysto ayaa marka ay dhalayaan waxa ay dhanka
Foosha ka maraan dhibaato baaxad weeyn iyo xanuun sababa in ay cabaadaan ama
ooyaan Xoolaha.
Geela
oo ah kan ugu daran ee dhanka Foosha xanuunsada waxaa dhacda mararka qaar in
Fooshiisa ay qaadato Saacado aad u fara badan.
Geela
marka uu Foolanayo waxaa muhiim ah in ay la joogaan ama ay kor kala socdaan
dadka xanaaneeysta maadaama looga baahan yahay in cunuga dhalanaya ay si xoog
ah kaga soo jiidaan hadii kale waxaa mararka qaar dhacda in uu geeriyoodo
cunuga dhalanaya ama ay isla wada geeriyoodaan
Neefkii dhali lahaa.
0 comments:
Post a Comment