-->
Haweeney
wariye cadaan ah ayaa waxaa la sheegay inay la ilmaysay oo ayna oohin af
labadii yeertay ka dib markii ay maqashay aadaanka Salaada la isugu yeeo marka
la gaaro waqtiga tukashada.
Haweeneydaan
oo lagu magacaabo Kate Humble oo ka tirsan shaqaalaha telefishinka BBC ee
dalkaas Ingiriiska ayaa waxaa la sheegay inay oohinta ay ceshan weysay ka dib
markii ay dhegaheeda ay ku soo dhaceen aadanka salaada maqrib, haweeneydaan oo
ku sugnayd magaalada Jedah ee dalka Sacuudiga halkaas oo ay ku diyaarinaysay barnaamij
ay uga hadlaysay dalka Sacuudiga ayaa waxaa la siinaayey warbixin ku saabsan
masaajidada magaalada Jedah iyadoona uu warbixintaas u jeedinaayey nin lagu
magacaabo Samy, hadaba haweeneydaas oo meel sare fuushay si ay uga bogato
dhaqdhaqaaqa magaalada ee marka la gaaro waqtiga salaada ee uuna dhaco aadaanka
Salaada ayaa waxay indhaheedu qabteen kala orodka dadka oo dukaamada wada
xiraayo iyo iyadoo mar qura ay isla wada dhawaaqeen samaacadaha ama
mikroofanada masaajido fara badan taas oo keentay inay haweeneydaas ay
indhaheedu ay ilmada ka qubato islamarkaana ay ku tilmaanta waxa ay aragtay wax
la yaab leh oo ka awood badan.
Ugu
dambeyntiina iyadoo arintaan ay daliil cad u tahay awooda rabaaniga ah ee ay
salaada iyo aadanka ama adinku ay leeyihiin ayaa haweeneydaan oo arintaas ka
hadlaysay waxaa ay ku sheegtay inay tahay wax mucjiso ah waxa ay aragtay iyo
waxa ay maqashayba iyadoona qirtay inay arimahaasi ay ka tan badiyeen oo ay xamili
weysay waxa ay indhaheeda ay arkeen ay dhagaheeduna ay maqleen, sidoo kale ayaa
ninkii haweneydaas hogaaminaayey waxaa uu sharaxaad buuxda ka siiyey aadaanka
Salaada iyo heerarkii uu soo marey.
Abdirizak
M. (Xiireey)
Holland
Abdirizakxiireey@hotmail.com
0 comments:
Post a Comment