Home » » Hooyo Soomaaliyeed Ahna xaamilo oo silic iyo saxariir ugu geeriyootay xero qaxooti oo ku taal Holland!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

Hooyo Soomaaliyeed Ahna xaamilo oo silic iyo saxariir ugu geeriyootay xero qaxooti oo ku taal Holland!!(Daawo Muuqaal+Warbixin)

-->
Haweeney Soomaali ah ayaa waxaa la sheegay inay si silic iyo saxariir ah ay ugu dhimatey xero qaxooti oo ku taal dalka Holland ka dib markii ay heli weysay gargaar caafimaad oo deg deg ah oo ay u baahneyd oo ayna waysay wax daaweeya.

Haweeneydaan oo lagu magacaabi jirey Sahra Bare oo 42 sano jirtey oo ahayd xaamilo ama lahayd uur islamarkaana sidoo kala lahayd 3 caruur ah oo kale ayaa waxaa la sheegay inay ku jirtey xero qaxooti oo lagu magacaabo Leersum oo ku taal dalka Holland, Haweeneydaan ayaa waxay si aad iyo aad ah ay ugu xanuunsatey xeradaas taas oo keentay inay Soomaalidii ku jirtey xeradaas ay la soo xiriiraan maamulka xeradaas una sheegeen inay haweeneydaas si aad iyo aad ah ay u xanuunsan tahay iyagoona haweeneydaas soo qaaday oo keenay afaafka hore ee xafiiska maamulka xeradaas islamarkaana halkaas u dhigay joodari weydiisteyna in loogu waco dhaqtar daaweeya haweeneydaas.

Laakiin maamulka xeradaas ayaan wax caawimaad ah aanan u fidin haweeneydaas Soomaalid ah ee ku xanuunsaneyd goobtaas iyagoona iska indha tiray dhibka iyo xanuunka xad dhaafka ah ee haayey haweeneydaas islamarkaana aan u dalbin oo aanan ugu yeerin dhaqtar ama wax gargaar caafimaad ah oo ay sida aadka ah ay ugu baahneyd haweeneydaas Soomaaliyeed taas oo keentay inay haweeneydaas ay si silic iyo saxariir ah ay ugu dhimato joodarigaas dushiisa mudo 4 saacadood ah ka dib markii la keenay goobtaas iyadoona mudada intaas le'eg lagu daawanaayey goobtaas oo ayna ku dhimatey markii dambe.



Axmed Nuur oo ka mid ahaa ragii u soo gurmaday haweeneydaas Soomaalida ayaa waxaa uu sheegay inaan loo fidin wax gargaar ah haweeneydaas Soomaalida iyadoona loo sheegay inay iyagu ay iskood u raadsadaan caafimaadka taas oo uu sheegay ninkaas inuu asagu ku wacday gacantiisa gargaarka deg deg ah oo goobtaas soo gaarey goor ay xeero iyo fandhaal kala dhaceen iyadoona ay markiiba ay haweeneydaas ku geeriyootay goobtaas, Sidoo kale ayaa nin u dhashay dalka Afghanistaan oo lagu magacaabo Xuseen Delawari oo goob joog ka ahaa sida ay wax u dhaceen waxaa uu sheegay inay maamulka xeradaas ay lska indha tireen xanuunka haayey haweeneydaas iyagoona aan wax caawinaad ah haba yaraatee aan u fidin haweeneydaas oo aanana dheg jalaq u siin cabashada dadkaas Soomaaliyeed.

Ugu dambeyntiina iyadoo waxa qabsaday haweeneydaas ay ka xumaadeen qaar badan oo ku jirey kaamkaas ay ku geeriyootey haweeneydaas Soomaaliyeed ayaa Carla van Os oo ah haweeny u dooda xaquqda caruurta ayaa sheegtay inay rumaysan weysay waxa ay maqashay islamarkaan hadii ay run tahay waxa dhacay lagu tilmaami karo dambiiliyaal dadkii sidaas ula dhaqmay haweeneydaas iyadoona sheegtay inay ka war sugeyso baaritaanka socda waxa ka soo baxa, Sidoo kale ayaa qolooyinka gacanta ku haayo maamulka xeradaas waxay difaaceen sida ay u dhaqmeen shaqaalahooda ayagoona sidoo kale sheegay inay ka xun yihiin dhimashada haweeneydaas islamarkaana aysan ka hor dhacynin waxa ka soo baxa baaritaanka lagu haayo arintaas, Warku ayaa waxaa uu sheegayaa in wixii ka dambeeye dib u habeen kagu sameeyey habka ay u shqeeyaan dhaqaatiirta caafimaadka ee xerooyinka qaxootiga dalka Holland ay keentay in qaar badan oo ka mid ah xerooyinkaas aysan joogin wax dhaqtar ah iyadoona qaxootiga lagu daawaayo ka dib marka lagula hadlo teleefoon oo aysanba wax dhaqtar ah aysan arag, arintaan ayaa dadku qaar waxay sabab uga dhigayaan caawinaad la'aanta qabsatey haweeneydaas Soomaalida ee sidaasna ku geeriyootay.


Share this video :

0 comments:

Post a Comment

 
Support : Creating Website | Johny Template | Mas Template
Copyright © 2013. Video - All Rights Reserved
Template Created by Creating Website Published by Mas Template
Proudly powered by Blogger
Script di bawah ini muncul di sebelah kanan blog
-->